XUDUR (DAYNIILE.COM)-Farsama yaqaan Alshabaab u qaabilsanaa dhanka tuba-gelinta ceelasha biyaha ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanmada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Somalia.
Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Huseen maadker usmaa’iil ayaa asal ahaan ka soo jeeda Magaalada Xudurr ee Xarunta Gobolka Bakool wuxuuna Alshabab la shaqeynayay mudo 4 sano ah.
Xuseen wuxuu sheegay inuu ka soo shaqeeyay deegaano ay kamid yihiin Eelgaras, abig beedey iyo buur-dhuxunle.
Mushaar ayay kooxda Alshabaab siin jirtay Xuseen isagoona la mid ahaa sida kuwa dagaalama oo kale,wuxuuna Dowlada ka codsaday in la cafiyo madaama dhowr sano la soo shaqeeyay Alshabaab.
Farasama-yaqaankaan ayaa hada gacanta ugu jira ciidanka nabad suggida iyo sirdoonka qaranka qaybtooda Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool Maamulka Koonfur Galbeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and tree
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here