sida goor dhaw lagu shaaciyay Warbaahinta Dowlada Somalia Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxa uu ka waramay sababta uu Khawaarijta uga soo haray, isagoo sheegay in nolol liidata ay duurka ku heysato xubnaha ku haray kooxdaas arxanka daran, isla markaana uu muddo dheer ku haminayey sidii uu mar uga soo fakan lahaa.

Ibraahim ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa ay kuwada jireen safka khawaarijta in ay iskaga soo baxaan, kana daayaan dhibta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here