AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Wararkla laga helaayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay ciidamo iyo gaadiid dagaal isugu geeyeen Deegaanka Boos hareeri oo ka tirsan Degmada Aadan Yabaal.
Maleeshiyaadka Alshabaab oo meelo kala duwan isaga soo gurmaday ayaa qorsheynaya inay qabsadaan Magaalada Aadan Yabaal oo ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku gacanta ku hayaan islamarkaana ka mid ah meelihii Madaxweyne Xassan booqday dhawaan.
Sidoo kale Alshabaab waxay diyaarsadeen gaadiid ay walxaha qarxa ka soo buuxiyeen madaama goobaha ay rabaan inay qabsadaan ay inta badan ku galaan qaraxyada nuucaasi si ay u cabsi geliyaan ciidamada Dowlada iyo kuwa deeganka ee difaaca hore ku jira.
Dhanka kale Saraakiisha Dowlada iyo ciidamada ku sugan Aadan Yabaal waxaa la sheegay inay aad u hubeysan yihiin islamarkaana feejigan yihiin,lamana yaqaan inay ka hortagi doonaan iyo inay halkooda ku sugi doonaan waaba hadii ay ka war hayaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM