GAROWE (DAYNIILE.COM)-Sida lagu shaaciyay war ka soo baxay Maamulka Gobolka Nugaal ee Puntland waxaa Magaalada Garowe soo galay Alshabaab taasoo keentay in Ciidamo dheeraad ah magaalada lagu soo fasaxay.

Maamulku wuxuu tilmaamay inay Garoowe soo galeen wax ay ugu yeereen kooxo shar-wadayaal ah doonaya inay falal amni xumo ah ka geystaan Magaaladaasi.

Advertisement

Ciidamada ayaa la soo sheegayaa inay wadaan feejignaan dheeraad ah iyagoo kordhiyay baraha lagu baaro gaadiidka soo galaya Magaalaya iyo kuwa ka baxa magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Nuagal, C/raxmaan Xaaji Abshir (Qaanqaa) ayaa shacabka ku  booriyay inay ka qeybqaataan sugida amniga iyo ka hor taga kooxaha shar-wadayaasha ah, wuxuu amar ku bixiyay inaaneey gaadiidka usoo socda Garowe soo qaadin dad aysan aqoon.

Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu shacabka Garowe faray inaaney guri ka kireyn qof aysan aqoon si aan loogu soo dhex dhuuman oo kadibna falal amni daro looga fulin Garowe.

Digniinta ka soo baxday Maamulka Puntland ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan la shaaciyay in Rag alshabaab ka tirsan oo dil ku xukunaa inay ka baxsadeen xabsi ku yaal Magaalada Gaalkacyo inkastoo badankood dib loo soo qabtay.

Sidoo kale waxaa jirta cabsi ah in Alshabaabkii badnaa ee maalmo ka hor lagu toogtay Gaalkacyo ay ku keento Alshabaab inay isku dayaan aar-gudasho ay ka geystaan magaalooyinka Puntland sida Garowe.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here