BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Alshabaab magaciisa rasmiga ah ku sheegay C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa lagu qabtay koontaroolada Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koonfur-Galbeed.

Ninkaan Alshabaabka ka tirsan sida uu sheegtay ayaa asal ahaan ka soo jeeda kilinka 5-aad ee  Itoobiya ama Somali-galbeed.

Advertisement

Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka qaybta Koofur Galbeed ayaa ninkaani waxay ku soo bandhigeen  Magaalada Baydhabo isagoona ka warbixiyay sida uu ugu biiray Alshabaab iyo halka uu tababarka ku qaatay intaba.

“magaceygu waa C/raxamn Maxamed Xuseen ku dhashay Gobolka Af-dheer ,alshabaab waxaan ku biiray 2022-kii waxaana igu tashkiiliyay dad aan walaalo iyo qaraabo nahay”ayuu yiri C/raxmaan

Sidoo kale wuxuu xusay inuu Alshabaab mar ka diiday inuu hogaamiyo dagaalamayaashii dhawaan ay u direen Itoobiya,sidoo kale wuxuu sheegay inuu tababarka ku soo qaatay Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubada dhexe.

“waxaan ahayn 186 ruux markii tababarka naloo dirahayay wuxuuna socday mudo sedex bilood ah,kadib tababarkana waxaa naloo direy si aan uga howlgalno duleedka Degmada Af-madow”ayuu yiri mar kale ninkaan la sheegay inuu alshabaab ka tirsan yahay islamarkaana lagu qabtay Baydhaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here