Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Ciidamada ATMIS oo garab ka helaya kuwa Dowlada Somalia ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Daano oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa xalay waqti danbe bilowday kadib markii kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Daano waxaana dhexmaray dagaal culus sida dadka deegaanku sheegeen.

Advertisement

Dagaalka oo aad u xooggana mudana la is rasaaseynayay sidoo kalana daryanka madaafiicda la maqlayay ayaan hadana laga helin faahfaahin ku saabsan dhanka khasaaraha kala gaaray dhinacyada madaama ay habeen madow ahayd.

Saaka xitaa ma jirto warar madax banaan oo laga helay khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay inkastoo la filao inay dhinacyadu war ka soo saaraan dagaalka.

Dhanka kale Saaka aroortii ayay ciidamada Dowlada iyo kuwa ATMIS howgalo ka sameeyeen goobihii xalay lagu dagaalamay madaama alshabaab isla xalayba ku laabteen meelihii ay weerarka ka soo qaadeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here