CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Dagaalame ka tirsan kooxda Alshabaab oo magaciisa ku sheegay
Qaasim Axmed Dhuxul Geesey ayaa isku soo dhiibay Milateriga Somalia gaar ahaan guutada 28 qaybta 21aad.
Dagaal yahankaan oo si gaar ah loogu yaqaanay Suulal ceyn ayaa Alshabaab kaga biirey Degmada Masaajid Cali Guduud oo sidoo kalana uu ku dhashay.

Sida Warbaahinta Dowladu sharaxday ninkaan isa soo dhiibay ayaa Alshabaab ka mid ahaa mudo 8 sano ah.

Qaasim Axmed Dhuxul Geesey  ( Suulal ceyn) mar uu ka hadlaayay sababta uu Dowlada isugu soo dhiibay islamarkaana uga soo cararay Alshabaab ayuu ku sheegay markii uu adkeysan waayay dhibaatada ku heysatay duurka.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person, beard and tree
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here