MASAAJID CALI-GADUUD (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Cirka Dowlada Somalia ayaa maanta duqeyn ka geystay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ay saldhig ku lahaayeen saraakiisha iyo ciidamada kooxda Alshabaab.
Duqeynta maanta ayaa si gaar ah uga dhacday Buur Ow-xuseen ee waqooyiga deegaanka xagareey oo hoos tagtaa Degmada Masaajid Cali-guduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa gantaalada lala eegtay dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeymahaani lagu soo beegay xili dagaalamayaasha Alshabaab ku jireen is diyaarin ay weerar ku soo qaadi lahaayeen balse diyaarada ciidamada ayaa ka adeegatay oo ka hortagtay qorshahoodii.
lama yaqaan khasaaraha rasmiga ah ee Alshabaab ka soo gaaray duqeymahaasi, mana jirto wax war ah oo labada dhinac midkoodna ka soo saaray inta uu gaarsiisan yahay dhibaatada ka dhalatay duqeyntaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMÂ