HomeWarkiiAlshabaab bambo ku tuuri rabay ciidamada oo shacabku ay qabteen

Alshabaab bambo ku tuuri rabay ciidamada oo shacabku ay qabteen

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shalay Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday dhacdo cajib ahayd kadib markii shacab masaajid ka soo baxay ay si kadis ah u arkeen nin Alshabaab ka tirsan oo rabay inuu weerar gaadmo ah ku qaado ciidamo Dowlada Somalia ka tirsan.

Dhacdadaani waxay ka dhacday isgoyska Warshada sigaarka iyo taraqa ee Magaalada Muqdisho, ninkaan la qabtay ee Alshabaabka lag sheegay wuxuu rabay inuu Bambo F1 ku tuuro kuna qarxiyo ciidamo Dowlada ka tirsan oo bar koontarool ku leh naaaxiga Warshada sigaarka iyo taraqa balse waxaa gacanta ku dhigay shacab.

Wararka ayaa tilmaamaya in shacabka oo ka soo baxay masaajid uu mid ka mida isku duubo ninka Bam-bada tuuri rabay halka intii kalana ay la sii qabteen sidaasna loogu gacan geliyay ciidamadii uu rabay inuu laayo.

Waa dhacdadii labaad oo Muqdisho ka dhacda sidaan oo kale Dayniile waxaa maalin ka hor shacabku soo qabteen nin Alshabaab ka tirsan oo isna weerar bambo geysan rabay.

Shacabka Muqdisho ayaa waqtiyadaan danbe aad ugu dhiiranaya inay laamaha amaanka la shaqeeyaan oo waliba naftooda huraan si ay nin Alshabaab ah gacanta uga qabtaan isagoo ku howlan falal amni daro.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 personMay be an image of 1 person

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -