XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeyga kubadda cagta Ingiriiska, Alan Shearer, ayaa magacaabay kooxda uu u arko inay tahay tii ugu fursadda fiicnayd ku guuleysiga Champions League, isagoo sheegay inay ka horreyso Arsenal.
Arsenal ayaa haatan haysata hogaamin saddex gool ah oo ay ugu awood sheegatay Real Madrid lugtii hore ee wareegga siddeed dhammaadka, taasoo ka dhacday Emirates Stadium.
Toddobaadkii hore, Real Madrid ayaa loo arkayay inay yihiin kuwa ugu cadcad difaacashada koobka Champions League, balse Arsenal ayaa si lama filaan ah u garaacday kooxda difaacaneysa horyaalka, waxayna ku badiyeen 3-0 iyadoo Declan Rice uu dhaliyay labo laad xor ah iyo gool uu Mikel Merino dhaliyay.
Real Madrid weligeed ma aysan kasoo laaban guuldarro saddex gool ah si ay ugu gudubto wareegyada Yurub, waxaana haatan ay wajahayaan Arsenal oo difaaceedu aad u adag yahay – iyagoo kaliya laga dhaliyay 27 gool 32 kulan oo horyaalka ah.
Dhanka kale, kulamada kale ee siddeed dhammaadka Champions League, Barcelona ayaa haysata hogaamin 4-0 ah oo ay ka gaartay Borussia Dortmund, halka Paris Saint-Germain ay 3-1 ku hogaamineyso Aston Villa.
Kulanka ugu loollanka adag wareegan, Inter Milan ayaa 2-1 ku hogaaminaysa Bayern Munich ka hor kulanka lugta labaad ee San Siro.
Markii laga hadlayay afarta kulan ee lugta labaad ee siddeed dhammaadka, Shearer ayaa u sheegay podcast-ka The Rest is Football:
“Waxaan Barcelona u arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad.
“Guushii ay ka gaareen Dortmund aad bay u cajiib ahayd, weli iyaga ayaa ugu cadcad.”
“PSG-na si fiican ayay u muuqdaan. Waxaan xasuustaa markaan daawanayay kulankii ay Arsenal la ciyaareen bisha September, waxay ahaayeen kuwo caadi ah, ma aysan lahayn wax gaar ah.
“Arsenal ayaa si sahlan u garaacday, waxayna ahaayeen kuwo aad u deggan. PSG in ay ka soo baxaan xaaladdaas una beddelaan qaab ciyaareedka ay hadda wataan waa wax la yaab leh.”