BALCAD (DAYNIILE.COM)-Dagaal yahano ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa saaka aroortii waxay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Dowlada Somalia ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Saldhigaan ayaa ah mid dhawaan Dowladu kala wareegtay Ciidamada Burundi ee ku howlgala magaca ATMIS.

Advertisement

Dagaalka waxaa la sheegay inuu socday daqiiqado badan iyadoo aan waxba la isu reeban, labada dhinac waxay adeegsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Warar madax banaan lagama hayo dagaalkaasi oo la sheegay inuu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakisha Dowlada ayaa la filan karaa inay ka hadlaan oo faahfaahiyaan weerarka alshabaab ku soo qaadeen saldhiga ciidamada Dowlada kuwaasoo iska caabiyay weerarka.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay 2 askari ka dileen dhanka Dowlada inkastoo warkaasi iyaga uu ku egyahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here