kooxda Al-Shabaab ayaa qirtay dilka horjooge sare oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kunyo-Barrow ee yobolka Shabellaha Hoose.
Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac oo sidoo kale loo yaqaanay Abuu Cabdiraxmaan ayaa ahaa wakiilka kooxda ee Gobollada oo ay hoos-yimaadaan waxa ay ugu yeeraan “Wilaayaadka Islaamiga”.
Ninkan ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda, sidoo kale wuxuu mar soo noqday hoggaamiyaha kooxdii jabhadda Caanoole ee Jubbooyinka lagu aas-aasay sanadkii 2007, balse markii dambe ku biirtay kooxda Al-Shabaab.
Maxamed Mire Jaamac ayaa waxaa shalay lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay, kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahan oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa jira horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda.
Si kastaba, Horjoogahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu sareeyay ee kooxda ee howl-gal lagu dilo muddo labo sano, iyadoo sanadkii 2022 howl-gal duqeyn ah lagu dilay Cabdullaahi Yare oo madaxiisa mallaayiin dollar la dul-dhigay.