Taliyiihii hore ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu barihiisa bulshada soo dhigay wuxuu dhaliil ugu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa sidaan u qornaa:-

Advertisement

Madaxweyne Xasan Sheekh, laba sanadood iyo dheeraad oo uu xukunka joogo wuxuu meel walba iyo goor walba la taagan yahay dalka waxaan ka hirgalinayaa doorasho qof iyo cod ah.

Shacabka iyo maamulka Puntland waxay qabsadeen doorasho qof iyo cod ah, haddana, Madaxweynaha dalka waa u quuri la’yahay reer Puntland hambalyo iyo boogaadin inuu hawada u mariyo.

Waxaan rabaa doorasho qof iyo cod ah inay dalka oo dhan ka qabsoonto, haddana Puntland uma ogoli, haday qabsadaanna kuma boogaadinayo oo waan ka aamusayaa!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa inuu is waafajiyo hankiisa iyo hadafkiisa.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here