BOOSAASO (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in
Ciidamada amniga Dowladd Goboleedka Puntland ay halkaasi ku toogteen nin ka tirsan dagaalamayaasha Daacish kaasoo miino ku aasayay wadada weyn gaar ahaan aaga Nakhiil.
War ka soo baxay Puntland oo lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in xogta ninkaasi miinada dhigayay ay  soo gudbiyeen shacab ka shakiyey oo ku sugnaa aagaasi sidaas-na ciidamadu shaqadooda ku qabsadeen.
Sidoo kale Warkaan ayaa lagu cadeeyay in ninkaani la toogtay ee miinada dhigaayay uu ahaa  Ajnebi Daacish ka tirsanaa.
Ninkaani ayaa degdeg miinada ku qarxiyay markii uu arkay ciidamada sida degdeg ah goobta ku soo gaaray, islamarkaana wuxuu isku dayay in uu goobta ka baxsado, balse waa la toogtay isla goobta ayuuna ku naf-baxay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 personMay be an image of 1 person and lightingNo photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here