HomeWarkiiAjaanib Alshabaab ka tirsanaa oo $4 Milyan ay dul saarneyd oo lagu...

Ajaanib Alshabaab ka tirsanaa oo $4 Milyan ay dul saarneyd oo lagu dilay dagaalka Abooreey

Open photoABOOREEY (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Abooreey ayaa sheegaya in wali kooxdii Alshabaab ku go’doonsan yihiin gudaha Deegaankaasi oo mudo asbuuc uu dagaal ka socdo.

Taliye ku xigeenka Guutada qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga ahna ku simaha Taliyaha ayaa saxaafada kula hadlay aagaga hore ee furinta deegaanka Abooreey isagoona ka warbixiyay halka uu marayo dagaalka aagaasi.

Taliyaha wuxuu sheegay inay dagaalka ku dileen 8 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab islamarkaana ajaanib u badan.

Taliyaha wuxuu intaasi ku daray in laba kamida ay madaxooda saarnayd malaayiin doolar ,wuxuna tusaale u soo qaatay sarkaal Kenyan ah oo ah ninka u sareeya alshabaabka kenya ka dagaalama.

“labada ajanabi ee een dilnay waxaa ka mid ah ninka ugu sareya alshabaabka Kenya ka dagaalama kaasoo ah ninka ay sababtiisa ugu mintidayaan Abooreey iyagoo ka dagaalamaya in meydkaasi Dowlada Somaliyeed la wareegto iyo waliba lacagta la dulsaray si aan loo helin”ayuu yiri C/laahi Barre Cilmi

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMOpen photoOpen photo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -