HomeWarkiiAjaanib Daacish ka tirsanaa oo Puntland isku soo dhiibay iyo af-hayeenka oo...

Ajaanib Daacish ka tirsanaa oo Puntland isku soo dhiibay iyo af-hayeenka oo ka hadlay

CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka howlgalka ciribtirka Argagixisada Daacish ee Puntland  Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) koox ajaanib ah oo ka tirsanaa Daacish ayaa isku soo dhiibay Maamulka Puntland.

Af-hayeen Faadhigo wuxuu sheegay in ajaanibtu yihiin 3 dagaalame oo u dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan Qowmiyada Oromada kuwaasoo iska soo dhiibay miyiga Toga Miiraale.

“markii hore waxaa suuqa la soo geliyay inay 2 Carab iyo mid Somali ah isugu jireen dagaalamayaasha isa soo dhiibay balse waxaan xaqiijinay inay sedexdooduba Oroma yihiin”ayuu yiri Afaheenka

Mar uu sharaxayay qaabka ay isu soo dhiibeen ayuu sheegay inay dad reer miyi ah u tageen kana codsadeen in maamulka Puntland lala xiriirsiiyo, sidaasna ay iyagu kula soo wareegeen hadana gacantooda ay ku jiraan islamarkaana ay dhawaan Boosaaso geyn doonaan.

“sida aan xogta ku helnay daacish kuwa ku jira ee Afrikaanta ah kuma qanacsana dagaalka wayna isa soo dhiibayaan laakiin kuwa cadaanka ah ee carabtu ku jiraan in la dilo moogiye diyaar uma ah inay isasoo dhiibaan”ayuu mar kale yiri Afhayeenka howlgalka ciribtirka Argagixisada Daacish ee Puntland  Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo)

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -