KUNYA-BARROOW (DAYNIILE.COM)-Duqeyo dhanka cirka ah ayaa Alshabaab lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanka Kunya-baroow ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Wararka ayaa tilmaamaya in 3 gantal lala dhacay fariisimaha kooxada Alshabaab halkaasoo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Alshabaab gaar ahaan kuwo u badnaa ajaanib ka soo kala jeeda Carabta iyo Afrika.

Advertisement

Saraakiil ka tirsan Dowlada ayaa sheegeen in weerarkaani lagu dilay ilaa 6 sarkaal oo ka mid ahaa ajaanibta ka bar bar dagalama Alshabaab halka kuwo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale gantaalada diyaaradaha ay rideen waxaa gabi ahaanba ku burburey dhismaha saldhigyadii Alshabaab ku lahaayeen meel ku dhaw deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose oo ka mida meelaha ay ku xoogan yihiin alshabaab.

Dhanka kale ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhimashada inta uu la egyahay  sidoo kale wali wax wara kama soo bixin kooxda Alshabaab inta aan ka war heyno.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here