Shaley, Taliye ku-xigeenka Ciidanka #ATMIS ee qaybta Taageerada iyo Saadka Sareeye Gaas. Peter Muteti, oo matalayey Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, ahna madaxa ATMIS Danjire, Souef Mohamed El-Amine & Kooxda Hogaanka Sare (SLT), ayaa xarunta sare ee hawlgalka kula kulmey Agaasimaha Xarunta Nabadda ee Hiroshima (HPC), Prof. Shinoda Hideaki.
Waxa ay ka wada hadleen dhimista ciidamada ATMIS iyo qabanqaabada amniga ee loogu gudbayo howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Advertisement
Prof. Shinoda ayaa sidoo kale la kulmay wakiilo ka kala socday wadamada ciidamada ugu deeqey #ATMIS (TCCs), wadamada booliska ku deeqey (PCCs), madaxda dawlada #Soomaaliya, iyo saaxiibada caalamiga ah, isagoo Muujiyey muhiimadda iskaashiga si #Soomaaliya ay u hesho kala-guur fudud iyo xasilooni.
XIGASHO ATMIS
Advertisement