Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Cabduqaadir Cali Dige ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu ku cadeynayo in uu iska casilay xilkaas.
Mr.Dige wuxuu xusay inuu shaqada uga tagay dhibaato iyo hagar-daamo ay ku hayeen shaqadiisa masuuliyiin uu sheegay inay Dowlada xilal ka hayaan.
WarkaĀ Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka C/qaadir Cali Dige wuxuu ku soo aadaya xili 2 bil ka hor xilka laga qaaday kadib warqad kasoo baxday Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka kaasoo isla markaasna agaasimaha warfaafinta madaxtooyada u magacaabay C/raxmaan Xudeyfi.
Advertisement
Xudeyfi oo sidoo kale ah Afhayeenka Madaxweynaha Somalia ayaa isku haya xilalkaasi waxaana halkaasi ku soo afjarmay khilaaf ka dhex qarxay agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo agaasimihii warfaafinta madaxtooyada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement