Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Muxyadiin ayaa xarunta Machadka kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaali oo uu hogaaminayay Dr. Henery, madaxa emergensiga ee WHO kulankan ayaa diiradda lagu saarayay xaaladaha caafimaad ee dalka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka guud.

Agaasimahu wuxuu muujiyay diyaar garowga Machadka ee la shaqeynta hay’addaha Caafimaadka Aduunka xaaladaha deg-degga ah kadib kulanka ayuu Agaasimaha wafdiga ku soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee Machadka isagoona uga warbixiyay shaqooyinka iyo doorka Machadka ee xaaladaha degdegga ah iyo xog-ururinta dhacdooyinka caafimaad.

Advertisement

Ugu dambeyn Dr. Xuseen Muxyadiin Jimcale ayaa xoojiyay in iskaashigan uu lagama maarmaan u yahay sidii dalku ula jaanqaadi lahaa horumarka caafimaad ee caalamka Wuxuu intaa ku daray in booqashadan ay muujinayso in Machadku diyaar uyahay ka shaqaynta in dalku uu ka jawaabi karo xaalad walba oo dagdag ah sidoo kalena bulsha waynta Soomaaliyeed ay ku heli lahayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here