Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalk+SAWIRROa iyo Jinsiyadda Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta dukumintiyada oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka tirsan Hay’adaha Socdaalka Soomaaliya iyo Kenya, Baarayaal ka tirsan laanta Baarista Dambiyada ee CID iyo Hay’adda Diiwangelinta Dadwaynaha (NIRA)

Agaasime Axmed Siciid tababarka furay ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dowladda Norway oo kaalinta ay ka qaadatay fududaynta iyo taabagelinta tababarkan.

Advertisement

Sidoo kale, Agaasimaha HSJ ayaa howlwadeenada ku dhiirigeliyay in ka qayb galayaasha aqoon kororsigan ay si wanagsan uga faa’iidaystaan, maadaama ay cashirada bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo qibrad iyo aqoon badan xambaarsan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Dowladda Kenya Marwo Evelyn oo ka hadashay munaasabadda furitaanka tababarkaan ayaa xoojisay muhiimada ay leedahay horumarinta baarista dokumintiyada ee baarayaasha, taas oo suurtageli doonta in horumar laga gaaro hubinta dokumintiyada lagu safro.

Safiirka dowladda Norway ee Kenya Mudane Gunnar Andreas oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa xoojiyay doorkooda taageerada Soomaaliya iyo wada shaqeynta xooggan ee kala dhaxeysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Musaanasabada furitaanka waxa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/Sare Muxudiin Axmed Cusmaan oo dhankiisa ka hadlay muhiimada ay u leedahay horumarinta xirfada baarista dokumintiyada, isagoo tilmaamay in ay sifiican uga faa’iidaysan doonaan barayaasha ka socda hoggaanka CID.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here