Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulan Magaalada Nairobi ku dhex maray Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa shekh Cali dhuxulow iyo Mas’uuliyiin ka socota laanta Socdaalka ee Dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow uu kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo Xoghayaha Amniga Gudaha dalka Kenya Thomas Saka.
Agaasime Mustaf ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, waxa uuna kala hadlay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee adeegyada socdaalka, oo ay ka mid yihiin fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan helitaanka oggolaanshaha dal-ku-galka dalkaas oo mudooyinkii la soo dhaafay aad u daaho.
Sidoo kale Waxa uu kala hadlay wadashaqeynta dhinaca amniga xuduudaha, is-dhaafsiga xogta socdaalka, horumarinta isku-socodka xuduudaha, iyo nidaamyada dijitaalka ah ee socdaalka.
Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa xaqiijisay ballanqaadka Kenya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hagaajinta wada-shaqeynta socdaalka ee labada dal.
Kulankan waxa qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo adeegyada socdaalka si ay ugu adeegaan danaha shacabka labada waddan.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
+254-711830393