Wafdi uu hoggaaminaayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku tagay magaaladda Copenhagen ee wadanka Denmark ayaa kala hadlay madaxda dalkaas Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga ah.

Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa ayaa ugu horayn waxa ay kulamo wax ku ool ah la qaateen madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Socdaalka iyo Hay’adda Aqoonsiga Dadwaynaha ee Denmark, waxa ayna ka wada hadleen wadashaqaynta labadda dhinac iyo sidii Dowlada Denmark uga qayb qaadan lahayd Horumarinta Kaabayaasha adeeg bixinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sidoo kale Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay sidii dalka Denmark u aqoonsan lahaa baasaboorka Soomaaliga ah gaar ahaan kan Shaqada iyo Dadwaynaha isla markaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku socda sifada sharciga ah loogu fududayn lahaa dal ku galka.

Dowladda Denmark ayaa waxa ay ka mid tahay deeq bixiyeyaasha qayb wayn ka qaata horumarinta kaabayaasha iyo adeeg bixinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
May be an image of 7 people

May be an image of 5 people, suit and newsroomMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people and suitMay be an image of 3 people, wingtip shoes and suitMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 9 people and people studyingMay be an image of 5 people and tableMay be an image of 5 people, people studying and tableMay be an image of 6 people, people studying, table and textMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 7 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here