MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Afhayeenka Booliiska Soomaaliya C/fataax Aadan ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu saxaafada iyo shacabka Soomaaliyeed kula wadaagay in dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho loo xirey ciidamo badan oo ka rirsan milateriga Somalia kuwaasoo sida uu sheegay qabiil la saftay.
Af-hayeenka wuxuu carabka ku adkeeyay in Taliska Booliisku la yaab ku noqotay in bisha Noveber sanadka 2024 ay jiraan ciidamo ku fekeraya inay qabiil garab siiyaan iyagoo shaati qaran xiran.
Af-hayeenka wuxuu xusay in ciidamada Booliiska oo shaqadii qaranku u igmaday ku guda jira gaar ahaan howlgal wado furis ah ay soo weerareen Milateri u abaabulanaa hab beeleed
“12 askari oo ka mid ahaa milaterigii ka hor yimid shaqadii qaranka loo hayay waxaa la dhigay xabsiga, dhawaana waxaa la hor keeni doonaa maxkamada ciidamada qalabka”ayuu yiri Afhayeenka
Dagaalka uu uu Afhayeenku ka hadlayo ayaa maanta khasaare geystay wuxuuna ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho halkaasoo ciidamada Booliisku shacab deganaa ku amreen inay isaga guuraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM