MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Afar nin ayaa xalay siyaabo kala duwan waxaa loogu dilay Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka Magaalada dhacda.

Sedex ka mida raggaan waxaa lagu dhex dilay Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho  halka nin kalana lagu dilay gurigiisa dhexdiisa oo ku yaal deegaanka Xaawa-Cabdi.

Advertisement

Ninka lagu dilay deegaanka Xaawa-Cabdi  oo magaciisu ahaa Cumar Xasan waxaa la sheegay inay burcad guriga ugu galeen kuwaasoo qoryo ku hubeysnaa balse markii ay qaateen wixii ay guriga ka dhex qaadan Kareen ayay ugu dambeyn aabaha guriga xabad wadnaha kaga dhufteen..

Sedexda Muqdisho lagu dilay waxaa ku jira wiil da’yar kaasoo magaciisu ahaan jirey C/weli C/qaadir, waxaana toogtay askari ka tirsan Nabad sugida Qaranka sida eheladiisu shegeen,wuxuuna dilkaasi ka dhacay Ex Kontorool Afgooye.

Labada kale midkood oo lagu magacaabi jirey Xasan Jiis waxaa lagu dilay Tooreey Degmada Wada-jir kadib markii ay is dagaaleen gacan ku dhiiglaha.

Midka kale oo isna xabad lagu dilay waxaa ka hadashay hooyadiis kaasoo isna ah nin da’yar.

Hooyada waxay dalbaneysaa inay cadaalad u hesho dhiiga wiilkeeda,dowlada ayay ka dalbatay in loo soo xiro gacan ku dhiiglaha wiilkeeda dilay si sharciga loo marsiiyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here