Sida ay sheegtay Idaacada Star FM Afar ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay Degmada xaafadda Shauri Moyo ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.

Sababta keentay dhimashada dadkaani ayaa lagu sheegay kadib markii dhuumo bullaacad ah oo gudbisa biyaha wasaqeysan ay duntay,sidoo kale dad ku dhaawacmay ayaa isbitaalka la gaarsiiyay sida ay xaqiijiyeen Booliiska oo gurmad ka sameeyay goobta.

Advertisement

Sidoo kale waxaa howlaha gurmadka gacan ka geystay hay’adda MSF iyo Hay’adda laanqayrta cas ee dalka ee Kenya Red Cross.

Marinka dhuunta qaada biyaha wasaqeysan ayaa la sheegay inay ku socotay howlo dhismo dayactir ah,waxaana lagu eedeeyay qandaraaslayasha dhismaha inay howlsha wadeen xili habeenino ah waliba xalay saq dhexe taasoo.

Guud ahaan dadka bulaacada ku geeriyooday oo afar ahaa ayaa la geeyay goobaha meydka la dhigo ee Magaalada Nairobi si baaritaano loogu sameeyo islamarkaana ehalada dadka geeriyooday loogu cadeeyo dhimashada.

Guud ahaan Magaalada Nairobi waxaa laga isticmaalaa dhuuman ama godad sida tubooyinka loo dhisay kuwaasoo wasaqda biyaha ka qaaxafadaha Nairobi una saara godad waa weyn oo loogu talo galay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here