MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Askar ka tirsan Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo ay sheegeen inay Alshabaab ka tirsan yihiin iyo walxo qarxa oo ay wadeen.

Warbaahinta Dowlada ayaa shaacisay in howlgal ay Muqdisho ka sameeyeen ciidamadu ay ku soo qabteen afartaasi nin kuwaasoo hada gacanta Dowlada ku jira.

Advertisement

Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta,

Dowladu waxay xustay in afartaani nin ay wateen miinooyin ay qorsheeyeen inay ku qarxiyaan bulshada reer Muqdisho.

Maxkamada Ciidamada ayaa lagu wadaa inay ka soo muuqdaan afartaasi nin si looga beri yeelo ama  loogu cadeeyo danbiga loo heysto kadibna sharciga u maraan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person, beard and smilingMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of moneyMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 1 person

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here