Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya L/Xidigle Abuukar Maxamed Xasan oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gaaray deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka socdaan dadaallo lagu dardar-gelinayo howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

Afhayeenka ayaa ciidamada ku boorriyay inay xoojiyaan isku-duubnida, isla markaana ay sii wadaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee weli ku sugan qeybo yar oo ka mid ah deegaanada gobolkaas.

Advertisement

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here