RUU-NIRGOOD  (DAYNIILE.COM)- Diyaaradaha dagaalka ee aan lahayn duuliyaha ayaa la soo sheegayaa inay saacadihii ugu dambeeyay fuliyeen weerar xaga cirka ah kaasoo lala eegtay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.
Howlgal dhanka cirka ah waxaa lagu qaaday fariisimo ay Alshabaab  ku lahaayeen deegaanno hoostaga Degmooyinka Ruuni-nirgood iyo Ceeldheer ee Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Af-hayeenka wasaarada difaaca Soomaaliya Sheikh Abukar ayaa ka hadlay weerarkaani wuxuuna carabka ku adkeeyay in weerarku dhacay xili Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro ay ku soo qaadaan Shacabka Soomaaliyeed sida uu warka u dhigay.
Af-hayeenka wuxuu intaasi ku daray inay xogta shacabka deegaanadaasi u sheegeen in khasaare xoog leh la gaarsiiyay kooxdii Alshabaabka ahayd islamarkaana gantaaladu burburiyeen fariisimahoodii.
“Alshabab weerarkaani waxaa lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo burbur-ba leh sida ay nala wadeegeen dadka deegaanka ee ka dhawaa halka lagu duqeymuhu ka dhaceen” ayuu yiri Afhayeenka wasaarada gaashaandhiga
Masuulkaani mar wariyuhu weydiiyay cida hada ku sugan goobtii la duqeeyay iyo faahfaahin dheraad ah ayuu xusay inay ka war sugayaan ciidamo xooga dalka ka tirsan oo ku baxay goobtaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here