Af-hayeenka ururka Xamaas Abuu Cubeyda ayaa xaley si rasmi ah u xaqiijisay geerida Maxamed Ibraahiim Deyf (Abuu khaalid) oo ahaa hoggaamiyihii ugu sareeyey garabka hubeysan ee ururka Xamaas ee loo yaqaan Ciisa-diin –Al’qasaam. Maxamed Deyf waxa lagu dila Gaza gaar ahaan Xaafadda Khaan Yuunis duqeyn israa’iil ay halkaa ka geysatey Juyl 13, 2024.
Maxamed Deyf waxa uu ahaa ninka Israel ugu doonis badney 30-kii Sanno ee la soo dhaadey (Tan-iyo 1995), Deyf waxa uu ka badbaada illaa 7-weerar oo Israel ku qaadey goobo uu ku sugnaa, duqeymo la la eegtey Deyf Sanadadi 2002 iyo 2006 ayuu ku waaya 2-diisa Lugood, Gacan iyo il, Halka Sanadkii 2014 uu duqeyn ku waayey Xaaskiisa oo 27 jir ah, Gabar 3-sano jir iyo wiil 7-bilood jira oo uu dhaley.
Maxamed Deyf waxa la rumeysanya inuu ahaa maskaxdii ka danbeysey weerarka Xamaas ku qaadey israa’iil Bishii Oktoobar 7’deedii 2023, Sida uu sheegey Afhayeenka Xamaas, Maxamed Deyf waxa la dila asaga oo ku jira jiida hore ee dagaalka, hasayeeshee goobta lagu diley Deyf ayaa waxa la xaqiijiya inay ku dhinteen dad Shacab ah oo kor udhaafaya 100 qof, Sida la aaminsan yahay dilkiisa waxa iska kaashadey Sirdoonada Mareykanka🇺🇸, Faransiiska🇫🇷, UK 🇬🇧 iyo kan Israel 🇮🇱.
Abuu Cudeyda, Af-hayeenka Ururka Xamaas waxa kale oo uu sheega inay dhinteen inta dagaalku socdey Taliyaal sarsare oo ka mid ah hoggaanka Xamaas, (1) Sida Marwaan ciisaa oo ahaa ku xigeenkii Maxamed Deyf, (2) Qaazi Abuu Tamaa Madaxii Saadka Millatariga, (3) Raad Thaabit Madaxii howgalinta Ciidamada, (4) Raafi Salaama oo ahaa Taliyihii Ciidamada aagga khaan Yuunis.
15-kii bilood ee dagaalku Socdey Israa’iil ayaa dishey Madaxii Siyaasadda ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah (July 31, 2024) iyo Yaxye Sinwaar (October 18, 2024). Sidoo kale israa’iil waxa ay horey udisha tobbanaan ka mid ah hoggaanka sare iyo xubno muhiim ah oo ka tirsanaa ururka Xamaas, Ragga Gacanta israa’iil ku baxey waxaa ugu caansanaa Sheekh Axmed Yaasiin oo ahaa aas aasihii iyo hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee ururka Xamaas.
Dhimashada ragga haldoorka ama hoggaanka u ah Xamaas inkasta oo ay xanuun badan tahay hadane waxba uma dhinto halgankooda, 2 todobaad ee la soo dhaafey ururka Xamaas waxa ay Israa’iil is dhaafsadeen Maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii October 7, 2023, Maxuus walba oo Israa’iili ah waxa ay Xamaas ku bedelata 30–50 qof oo Maxaabiis Falastiiniyiinta ah, kuwaa oo qaarkood kuxukunnaa Xabsi daa’in Cimrigaa haku furto ah.
Sheekada cajiibka ah ee Qaza laga arkey ayaa aheyd in Xamaas kala gudbinta Maxaabiista ay u adeegsatey dhoolatus Milatery iyo muujinta awoodeeda, Xamaas waxa ay muujiyeen inuu fashil ku dhamaadey dagaalkii Israa’iil 15ka bilood wadey, ujeedka Xamaas ayaa ahaa, dhulka/guryaha waad burburin kartaan, shacabkana waa leyn kartaan balse Xamaas ma burburin kartaan. Bandhigga Xamaas waxa uu aad uga careysiiya Xukuumadda Tel-Aviv ee Benjamin Netanyahu.