MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Af-hayeenka Booliiska ayaa ku celiyay digniinta isticmaalka bacaha madaama Wasaarada Deegaanku dhawaan mamnuucday islamarkaana bishii loo qabtay ay ahayd bishaan Oktoobar ee 10-ka ku sii dhaw.

Af-hayeenka wuxuu carabka ku adkeeyay inay mamnuuc tahay soo iibsashada bacaha,ka ganacsiga iyo isticmaalka intaba.

Advertisement

“talaabo ayaan ka qaadi doonaa cid kasta oo jabisa amarkii wasaarada deegaanka ee lagu mamnuucay bahaha”ayuu yiri Afhayeenka.

Sarkaalkaan wuxuu shacabka faray inay isticnmaalaa bnadalka bacaha kuwaasoo sida uu sheegay ka qurxoon bacihii kana taya wanaagsan madaama bacaha loo mamnuucay kaliya inay deegaanka ku wanaagsaneyn iyo xitaa xoolaha.

Dhanka kale Afhayeenka wuxuu digniin culus u direy waalidiinta dhalay cauurta tuuryada ka qeybqaadata marka ay tagaan garoonka Eng. Yariisoow oo ay ka socoto ciyaaraha degmooyinka.

“ciyaal weero ma aqabli karno talaabo tan ugu adag ayaana ka qaadeyna ,waana mamnuuc huka sida tooreyda oo ay u adeegsadaan inay wax ku dhibaateenaa marka la jooo garoomada ciyaaraha”ayuu yiri Afhayeenka Booliiska .

Warka Afhayeenka ayaa ku soo aadaya xili dhawaan booliisku soo xireen tobaneeyo dhalinyaro ahaa kuwaasoo loo heysto inay tuurya ka eysteen garoonka Injiner Yariisoow ama Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho xili uu socday mid ka mida kulamada ciyaaraha Degmooyinka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here