QORRE: PROF. YAXYE SHEEKH CAAMIR
In Been la isku sheego lama rabo, Adiga maxaa lagaaga tashaa haddii Ethiopia Dagaal soo qaado.

1. Aniga Haddii la yiraa Gacan ayaa la iskula tagaa oo waa leeys feeraa kuma jiro, Odaygu waa tabar yareeyay mana rabo in aan guul daro soo hooyo. Haddii la yiraa waad is qarxinee, taasu waa masalo kale, su’aal Diini ah ayaan ka qabaa.
2. Safka hore iga raadi haddii la yiraa Hubaa lagu dagaalamaa. Sida AK47 iyo Madaafiicda Goobta, Labadaas aqoon iyo tababar Ciidan ayaan u leeyahay ( F.S:1-3aad)
3. Haddii uu jiro hub kale oo isticmaalkiisa deg deg loo bara karo igu tasho, safka hore.
4. Haddii uu jiro Dagaal Afka ah, Duco, Qaaraan iyo Qur’aan la akhrinaa safka hore.
5. Haddii Sahan Ciidan, Sirqa dhigoow iyo Arimo Saadka la xiriiro leysku diraa ka seexamaa, safka hore.
Somalidaa ku maahmaahdo ( Ninki Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Geelii).
FG: Been ha sheegin,tabar laguugu nici maayo , Adiga oo Allaah ka cabsanaa, Adiga maxaa lagaaga tashaa?
Qore:Yahya Amir
May be an image of textMay be an image of toy and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here