NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada Kenya William Ruto ayaa isbedelo kale ku sameeyay xubnaha Wasiirada Difaaca iyo Deegaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga waxaa laga qaaday mar kale Aadan Barre Ducaalle,wuxuuna u badalay Wasiirka Deegaanka.

Advertisement

Xilka Wasaarada Gaashaandhiga wuxuu u magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Soipan Tuya ,lama yaqaan waxa Madaxweynaha ku xanbaaray inuu mar kale is  badal ku sameeyo Wasiirada wax aan dhameyn bil gudaheed.

Madaxweyne Ruto ayaa ku war-geliyay isbadalka uu sameeyay afhayeenka baarlamaanka  Moses Wetang’ula.

Talaabadaan ayaa ku soo aadeysa xili hada uun gudoomiyaha Baarlamaanka Kebya uu xildhibaanada ku war-geliyay 11-kii wasiir ee maalmo ka hor uu magacaabay Madaxweyne Ruto.

Wasiir Ducaale oo dhawaab markii Wasiirka Difaaca loo dhiibay uga mahadceliyay madaxweynaha xilka uu u magacaabay ayaan la ogayn sida uu uga jawaabi doono xilka Wasiirka Deegaanka ee maanta kale loo magacaabay.

XAFISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here