May be an image of 1 person, beard, glasses and newsroomJOWHAR (DAYNIILE.COM)-Abwaan Nageeye oo dhawaan Alshabaab ku biiray ayaa lagu dilay dagaalada ka hol-caya Gobolka Shabeelaha dhexe Sida uu shaaciyay Daa’uud Xaaji Cirro oo ah  Af-hayeenka  Maamulka Hirshabelle

Daa’uud Xaaji Ciiro wuxuu bartiisa acebook ku soo qorey in Abwaan Nageeye lagu dilay dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay degmada Alkowsar kadib weerar ay soo qaadeen Alshabaabka.

Advertisement

“Khawaarijkii abwaan nageeye ahaa waxa ku cibaadeystay geesiyaasha qaranka waxa uuna ku ruux baxay Degmada Alkowsar”ayuu yiri Daa’uud Xaaji Ciirro.

Dhanka kale wali wararka madaxa banaan ma aysan xaqiijin warka Hirshabelle ka soo baxay kaasoo ah inay dagaal ku dileen Abwaan Nageeye oo dhawaan Jilib iska xaadiriyay isagoona cadeystay inuu ku biiray Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here