MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Walaalka ka weyn Gen.Sheegoow Axmed Cali ayaa isbtaalka Digfeer kula hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in walaalkiis uu waqtigiisa intaasi ku ekaa islamarkaana aas qaran loogu sameyn doono Qabuuraha isbitaalka xoogga .
Abuukar Axmed Cali oo la dhashay Gen.Sheegoow wuxuu sheegay in walaalkiis la aasi doono maalinimada arbacada hadii rabi qadaro islamarkaana ay Dowlada Somalia ka rajeynayaan inay aas qaran u sameyso walaalkiis oo ka mida ahaa saraakiisha Xooga dalka Soomaaliyeed.
“waqtigiisa dhamaaday, Alle ayaa quraankiisa ku cadeeyay in qofka waqtigiisa laga dib dhigeyn lagana hor marineyn ,anagana qadarta alle kama weynin,ehalada waxaan u sheegynaa in arbacada la aasi doono “ayuu yiri Abuukar Axmed Cali
“nin qaran ayuu ahaa walaalkeey waxaan rabnaa in loo aaso sidii loo aasi jirey dadka qaranka taasna Dowlada ayaan ka codsanayaa,dhanka kalana ehalka waxaan leeyahay buuqa hala joojiyo , Sheegoow maanta waxaa wax u taraya ducada iyo in quraanka loo aqriyo”ayuu mar kale yiri Abuukar Axmed Cali oo carabka ku adkeeyay inay ku qanacsan yihiin qadarta Alle
Sidoo kale Xildhibaan Ceymoow oo kursiga ku mataya Genaraalka geriyooday oo iska hadalo kooban jeediyay ayaa sidaas oo kale ka tacsiyeeyay geerida una soo jeediyay ehelada Gen.Sheegowo in xaalada la dejiyo madaama uu waqtigiisii dhamaaday.
Sidoo kale Wasiir Dahabo Suusow oo iyadana ku ehel ah Gen.Sheegoow ayaa iyadana sheegtay inaaney jirin cid dishay iyo cid sumeysay Gen.Sheegoow balse dhaqaatiirtu cadeysay inuu u geeriyooday xanuunkii hore u hayay.
XAFIIKA WARARKA
DAYNIILE.COM