Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa dhagax dhigay warshad dalkiisa laga hirgelinayo taasoo soo saari doonta dhuxul dhagaxa taasoo ku taal gudaha dalkaasi.
Abiye Ahmed hadalo kooban ka jeediyay munaasabada dhagax dhiga ayaa sheegay in Dolar badanoo dalka kaga bixi jiray soo dejinta Dhuxushan laga baaqsan doono.
“maadama dalka lagu soo saarayo dhuxul dhaga waxaa noo baaqan doona qarash badan oo nooga bixi jirey”ayuu yiri Abiye Axmed
Marka Dunida loo eego dalal badan ayaa soo saara dhuxul dhagaxa dalal ugu badana way soo iibsadaan, Itoobiya hada waxaa la qiyaasayaa inay warshadani dabooli doonto %25 baahida dhuxusha dalkaasi.
Deegaanada Soomaalida Itoobiya latigeeda waxaa la sheegay in dhuxushaani laga helo laakiin u baahan tahay in sidan oo kale warshad loo maalgeliyo madaama dadka deegaanku awoodin dhaqaalahaasi islamarkaana Dowlada Itoobiya badanaa deegaanada Soomaalida uma soo jeedo inay mashaariic nuucaan ka fuliso.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement