Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta war uu ku soo qorey bartiisa X oo hore loogu yaqaanay Twitter wuxuu uga hadlay warar maalmahaan danbe soo baxay oo sheegayay inuu ka laabto heshiiskii sharci darada ahaa ee uu sanadkaan bilowgiisii la galay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Abiy Axmed wuxuu warkiisa ku beeniyay inuu ka laabtay heshiskii badda ee uu la galay Muuse Biixi isagoona si weyn u qaadacay jiritaanka warkaasi.

Advertisement

Shacabka Itoobiya ayuu uga digay inay run moodaan wararka baraha bulshada lagu faafiyo isagoona qoraalkiisa ku xusay in wixii qadiyada Itoobiya ku saabsan kaliya lagu soo qoro bartiisa uu ku leeyahay baraha bulshada.

Abiy Axmed waxaad moodaa xitaa inuu xisaabta ka saaray TV-ga Dalkiisa iyo warbaahinada kale ee ku dhaw dhaw xukuniisa balse uu kaliya adkeynayo in wararka laga qaato shasiyan barihiisa bulshada .

Qoraalka Abiy Axmed waxaa sidoo kale ku jirtay oo la yaabkeeda leh inay jiraan dad loogada dowlada isticmaalaya oo hadana warar ku faafinaya baraha bulshada.

“shacabnka waxaan uga digeynaa inay iska rumeystaan wararka baraha bulshada lagu faafinaayo,sidoo kale waxaan u digeynaa kuwa isticmaalaya calaamadaha Dowladu leedahay”ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisulwasaaraha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here