ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta mar uu la  hadlaayay Baarlamaanka dalkiisa wuxuu sheegay ineysan marna shaki galineyn wada-jirka iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray inaysan diyaar u ahayn kala-qeybinta dalka Soomaaliyeed.

Advertisement

Sidoo kale  mar uu  soo hadal qaaday  heshiiskii badda ee uu Maamulka  Somaliland la galay inuu ujeedkiisu ahaa mid ay si sharci ah ku doonayeen inay ku soo gaaraan Badda Somalia.

“diyaar uma nihin inaan kala qeybino Midnimada Somalia,Baddana waxaan rabnaa inaan ku gaarno sifo sharci ah”ayuu yiri Abiy Axmed

“dhammaan dalalka deriska nala ah waxaan gaarsiinay codsigeena oo ah gaarista Badda si sharci ah mana helin wax jawaab ah, xitaa Waan tuug-tannay taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya”.ayuu mar kale yiri Abiy Axmed.

Dhanka kale Abiy ah wuxuu si toos ah u weeraray Madaxweynaha Soomaaliya isagoo sheegay inuu kharash badan ku qasaariyo safaradiisa,islamarkaana ay fiicnaan lahayd inuu Muqdisho iskuul uga dhiso lacagtaasi.
Abiy Axmed Sababta uu u weeraray Madaxweyne ayaa lagu macneeyay sida adag uu u uor istaagay damaca Itoobiya er boobka Badda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here