Allaha u naxariistee Waxaa Magaalada Ceel Daahir Aas Qaran Loogu Sameeyey G/sare Mukhtaar Axmed Qoryood iyo Cabdifataax Axmed Qoryood, kuwaas oo naftooda u huray difaaca Diinta dalka iyo Dadka Reer Puntland

Aaska qaran waxaa kaqeyb-galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawlada Puntland Cabdirizaaq Axmed Saciid Xildhibaanno, Wasiirro, Saraakiil Ciidan Oo kala duwan, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo, iyo Guddiga Garab Istaaga Iyo Taakulaynta Ciidanka Difaaca Dawlada Puntland , kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin geerida labada geesi ee ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ku Dhuumalaysanaya Buuraleyda Calmiskaad.

Advertisement

Dawladda Puntland iyo shacabka waxay si wadajir ah u garab taagan yihiin ciidamada geesiyaasha ah ee naf-hurnimada u muujiyey difaaca dalkooda

Ilaahay ha u naxariisto, Janatul Firdowsana ha ka waraabiyo Dhamaan Ciidanka Difaaca Dawlada Puntland Ee Ku Shahiiday Dagaalka Ka Dhanka Ah Argagixisada.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here