Muqdisho-Soomaaliya Octoober 09, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Alle ha u naxriistee Jeneraal Cabdinaasir Maxamed (Dalab) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Jeneraal Cabdinaasir Dalab ayaa ahaa sarkaal mudo dheer ka soo shaqeynaayay arrimaha ciidamada, isagoo ka soo qabtay xilal kala duwan kana soo qeyb qaatay dadaallada lagu dhisayey dowladnimada Soomaaliya iyo horumarinta ciidamada gaar ahaan Ciidanka Taraafikada Booliska Soomaaliyeed.

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun, anigoo ku hadlayo magaceyga iyo magaca guud ahaan Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu diraya ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxriistee Jeneraal Cabdinaasir Maxamed (Dalab) oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo laf dhabar u ahaa howlaha Ciidanka”, ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa marxuumka Alle SWT uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo ehelkiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
May be a black-and-white image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here