Wasiirka Deegaanka, Isbaddelka Cimillada & Dhirta Kenya Aadan Barre Ducaale oo si qoto-dheer uga hadlay safarkii Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu ku tagay Nairobi, waxyaabaha uu la xiriiray ama ku qotomay safarkaas.
Aadan Barre Ducaale ayaa sheegya in Kenya ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga dambeysayo arrimaha dhexdeeda ah maadaama ay awood sharciyad u heysato, wixii talo iyo tabasho xalin ah ayuu tilmaamay in doorkooda ka qaadanayaan.
“Waan waan ayaa socota oo lagu xalinayo Khilaafka Dowladda Federaalka & Axmed Madoobe, safarkiisa Kenya waxa uu ahaa mid diblumaasi, waxa aan dooneynaa in Dowladda dhexe & Dowlad-Goboleedkaas is fahmaan, waan uga dambeynaa” Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Deegaanka, Isbaddelka Cimillada & Dhirta Dalka Kenya.
Safarkii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu dhowaan ku tagay Magaalada Nairobi waxa uu dhaliyay falcelin badan sida in wax la iska weydiiyo sababta keentay in Kenya ay ku qaado diyaarad qaas ah.
Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo isku qabtay Doorashada guud ee dalka ka dhaceysa in ay noqoto mid dadweyn iyo Madoobe oo ku dooday in uu qabsaday Doorasho Dadweyne laguna doortay.