Roobab saameyn weyn ku yeeshay Dadka reer Falastiin

Jaber al-Kaseeh says repeated flooding has left tents in his camp damaged and covered in mud.

Wararka laga helaayo Dalka Falastiin gaar ahaan marinka Gaza ayaa sheeaya in halkaasi roobab waa weyn ay ka da’een taasoo keentay biyuhu burburiyaan taandhooyinkii u dhisnaa dadka reer Qaza oo guryahoodii ay hore uga burburiyeen Yuhuudu.

Az-Zawayda, oo ah Xeebta Gaasa –  biyuhu waxay bilaabeen inay ku qulqulaan teendhadii Jaber al-Kaseeh ee bartamaha aagga az-Zawayda ee Gaasa.

Muddo gaaban gudaheed, sagxadda teendhadu way fatahaadday, sariirihii, roogagii, busteihii ayay qoyeen oo cuntadii yarayd ee qoysku haysteen ayaa ku baaba’ay roobabka.

“Dadka oo dhan hurdada ayay ka toosteen , mid kastana wuxuu waydiiyay deriskiisa dhibaatada soo gaartay gaar ahaan xaaladda carruurta,” Jaber oo da’diisu tahay 70 ayaa sidaas u sheegay Al Jazeera.

Wuxuu ku sifeeyay aagga ka baxsan xeryaha barakacayaasha, halkaas oo kumanaan Falastiiniyiin ah ay magan gelyo ka qaateen, sida barkad dabaasha.

In ka badan 70,000 teendho ayaa la daadadey tan iyo markii roobab culus ay bilaabeen dhamaadka Jimcaha, sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta Dowladda Gaza. Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo barakacay ayaa ku jira meelaha loo aqoonsaday inay yihiin “halis badan” oo daadad dheeraad ah.

In ka badan hal sano ka dib markii heshiiska loo yaqaan ‘joojin-dagaal’ uu dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas la saxiixay, Israa’iil ayaa sii wada jebinta shuruudaha heshiiska, iyada oo xannibaysa gelitaanka agabka Gaza, oo ay ku jiraan 60,000 guryo dhaqdhaqaaqa iyo 200,000 teendho.

Kaliya 20,000 teendho ayaa la oggolaaday in la galiyo, guryaha dhaqdhaqaaqa ayaa wali ku hakaday dhinaca Masar ee xadka, qaar badan ayaa halkaas ku sugnaa in ka badan laba sano.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments