Xassan Cali Khayre “Qeyladhaantii xalay ee Ugaas-ka Xawaadle waa digniin hor leh oo muujinaysa halista uu wajahyo Xasan Sheekh, oo aan mudo ka digeynay” 

Ra;iisulwasarihii hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ayaa hadaladii xalay ee Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ku tilmaamay digniin cusub.

“hadalkii xalay ee Ugaas-ka Xawaadle waa digniin hor leh oo muujinaysa halista uu wajahyo Xasan Sh, oo aan mudo ka digeynay” ayuu yiri Xasan Cali Khayre

Hadaba Qoraalka ka soo baxay Xasan Cali Khayre oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Qeyladhaanta uu xalay saqdii dhexe bulshada u diray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waa digniin hor leh oo muujinaysa halista uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday u horseeday dalka ee aan muddada dheer uga digaynay dadka Soomaaliyeed. Waxaan cambaareynayaa duullaanka uu taliska uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ku weerarayo shacabka magaalada Beledweyne.

Bulshada gobolka Hiiraan waxay tabasho dhab ah ka muujiyeen saamiqeybsiga dowladda, waxayna isugu yimaadaan shir ay uga tashanayaan aayahooda. Halkii laga jawaabi lahaa tabashadooda, laguna xallin lahaa wadahal, waxaa ayaandarro ah in maanta lagu weerarayo ciidankii xoogga dalka, si loo maquuniyo rabitaanka dadweynaha iyo masiirka deegaanka.

Shacabka gobolka Hiiraan oo ku suntan halgan iyo nafhurnimo waxay u istaageen kacdoon ay dadkooda iyo deegaannadooda uga xoreynayeen argagaxisada arxanka daran. Waxaa nasiibdarro ah in halkii uu taliska Xasan Sheekh ku taageeri lahaa la-dagaallanka argagaxisada, uu maanta weerar ku yahay naftooda iyo deegaankooda, taas oo muujinaysa halka uu mudnaanta siinayo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, xilli uu dalku wajahayo khatarta argagixisada.

Waxaan saraakiisha iyo askarta ciidanka uga digayaa in ay galaan dagaal sokeeye oo qeyb uga noqonayaan duullaanka Xasan Sheekh ku qaadayo gobolka Hiiraan. Waxaan xusuusinayaa in loo carbiyay difaaca qaranka iyo ilaalinta shacabka ee aan loo dhisin in ay sharcidarro ugu adeegaan Madaxweyne waqtigiisu dhammaaday. Waxaana ugu baaqayaa in aysan aqbalin amar kasta oo lagu weerarayo shacabkii ay ahayd in ay difaacaan, kana fiirsadaan sababta ay u hurayaan naftooda qaaliga ah

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments