WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay weerarro milatari oo Maraykanku ka geystay jasiiradda Qeshm ee Iran, isagoo sheegay in Washington uu sameeyay “horumar badan” wadahadallada uu la yeeshay Iran.
Trump ayaa Jimcihii shalay sheegay in ciidamada Mareykanku ay fuliyeen waxa uu ku sifeeyay weerar yar oo ka dhan ah nidaamyada difaaca hawada ee Iran.
“Waxaan sameynaa weerarro yaryar,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha West Palm Beach, Florida. “Waxay dhiseen qalab yar oo lid ku ah cirka, annagana waannu ka saarnay ku dhawaad 15 daqiiqo, laga yaabee shan.”
Trump wuxuu ka hadlay goor dhow kadib markii warbaahinta dowladda Iran ay soo sheegtay labo weerar gantaal ah oo ka dhacay aagga Suza ee jasiiradda Qeshm ee Taalada Hormuz, oo ah wado muhiim ah oo maraakiibta shidaalka.
Warbaahinta dowladda IRIB ayaa sidoo kale soo wariyay bayaanka ciidanka cirka ee Iran, iyadoo sheegay in ciidamada difaaca hawada ee dalka ay qabteen oo burburiyeen diyaaraddii aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ee MQ-9 oo ka sarraysay jasiiradda Qeshm.
Iyadoo laga jawaabayo wararka qaraxyada laga maqlay Qeshm, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), oo kormeera hawlgallada milatari ee Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid si dhib yar u dagan”.
Sarkaal ka tirsan CENTCOM ayaa u sheegay Al Jazeera in ay ka warqabaan wararka, isagoo ku daray in aysan wax faallo dheeraad ah bixin.
CENTCOM ayaa ku dhawaaqay qoraal ay soo dhigeen X habeenimadii Jimcaha in Mareykanku “bixinayo abaalmarin gaareysa $20 milyan iyo suurtagalnimada magangalyo loogu helo xog ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, oo ay ku jiraan warshadihiisa, qalabkiisa, shaqaale la xiriira sida kuwa beesha cilmi-baarista, ama dhaqdhaqaaqa midkood ee kor ku xusan”.
Isniintii, warbaahinta Iiraan ayaa soo warisay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay jasiiradda Qeshm, iyadoo warbaahinta Mareykanku ay sheegeen in militariga Mareykanku uu fuliyay waxa ay saraakiishu ku tilmaameen ‘weerarro difaac’ ah ee Marinka Hormuz.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

