HomeWarkiiDAAWO: Xiisad cusub oo ka taagan Baladwene xili macawisleydu xerada lama-galaan ka...

DAAWO: Xiisad cusub oo ka taagan Baladwene xili macawisleydu xerada lama-galaan ka raadinayaan madaxda Hirshabelle

May be an image of one or more people and streetBALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Xiisad cusub ayaa barqanimada maanta laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay Baladwene kadib markii maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan Macawisleyda Beesha Xawaadle bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan madaxda hirshabelle ee ka howlgasha Baladweyne.

Macawisleyda waxay howlgalka si gaar ah uga dhex  hayaan gudaha xerada lama-galaan iyagoo ka raadinaya Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad oo hoos taga Maamulka Hirshabelle kaasoo markii ugu danbeysay ku sugnaa xerada lama-galaay.

Macawiislaydaan cusub ee maanta gudaha u galay Xerada lamagalaay waxaa aad looga cabsanayaa inay sababaan iska hor imaadyo cusub oo reer Hiiraan dhexdooda ah hadii ay isku dayaan inay soo qabtaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad.

Howlgalkaan macawisleyda ay maanta bilaabeen ayaa ku soo aadaya xili shalay ay madaxdoodu amreen masuuliyiinta Hirshabelle inay 24-saac kaga baxo Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments