Open photo

Falastiiniyiinta ayaa wareejiyay medadka 4 ma mida la haystayaal Israa’iil ka soo jeeday xili lagu jiro maxaabiis iyo meyd is dhaafsigii u dhexeeyay Xamaas iyo Yuhuuda.

Advertisement

In ka badan 600 oo Falastiiniyiin ah ayaa la sii daayay Khamiistii, wax yar ka dib markii Israel ay sheegtay in Xamaas ay ku wareejisay naxash ay ku jiraan meydadka afar qof oo maxaabiis ah.

Israa’iil ayaa dib u dhigtay sii deynta labo dumar ah oo Falastiini ah iyo 44 carruur ah.

Sidoo kale maxaabiista reer Gaza ee Israa’iil soo deysay ayaa muujinaya tacadiyada, jirdil-ka iyo gaajada jirkooda ka muuqata.

Waxay ahayd isweydaarsigii ugu dambeeyay ee la qorsheeyay taasoo qayb ka ahayd wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Xamaas iyo Israa’iil.

Dhowr falastiiniyiin ah ayaa lagu qaaday ambalaasyo la geeyey isbitaalka Yurub ee Khan Younis ee koonfurta Gaza sababo la xiriira darnaanta dhaawacyadooda, Falastiiniyiin badan ayaa sidoo kale loo diray Masar iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Alaa al-Bayari, oo Falastiini ah oo lagu sii daayay magaalada Gaza, ayaa u sheegay Al Jazeera in uu indhihiisa ku arkay  jirdil, garaacis, bahdilaad iyo wax kasta oo aad qiyaasi karto, intii uu ku jiray xabsiga Israel.,Waxa uu la kulmay gabadhiisa oo hal sano jir ah markii ugu horeysay.

“Waa nala qaawan jirey , biyo ayaa nalagu soo shubi jirey ka dibna waxay noo isticmaalayeen koronto si ay jir dil noogu sameeyaan” ayuu mar kale yiri Falastiinigasi la soo daayay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here