Dowlada Somalia ayaa  ka hadashay weerar Saaka ay ku qaadeen Alshabab ku sugnaa duleedka Deegaanka Ceel-baraf.

Qoraalka Dowlada ay kaga hadashay dagaalkaan ayaa sidan u qornaa:-

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamadda deegaanka ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku aruursanayay duleedka magaalada Ceelbaraf.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii Ciidanku ka warheleen in argagixisadu isku uruursaneeyno duleedka Ceel-baraf, waxaana lasoo sheegayaa in khasaare culus lagu gaarsiiyay cadowga.

Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo dhulka ay kooxaha Khawaarijta ku dhuumaaleysanayaan.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here