BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Gobolka Geddo ayaa sheegaya in ciidamada sirdoonka qaranka oo kaashanaya kuwa Booliiska ay fashiliyeen qarax miino oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Balad-xaawo.
Qaraxaan oo ahaa miinada nuuca lagu aaso ayay sirdoonku heleen xogta meesha la geliyay kadibna waxay ku guuleysteen inay ka soo saaraan halkaasi, islamarkaana laga bad-baadiyay shacabkii lagu dhibaateyn lahaa.
Sida warbaahinta Dowaladu shaacisay waxaa miinadaasi dhulka ku aasay kooxda Alshabaab inkastoo iyaga dhankooda aysan wax wara ka soo saarin warka dhanka Dowlada ka soo baxay.
Dhanka kale ciidamada Booliiska ayaa iyagana bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan shaqsiyaadkii miinada dhulka geliyay balse ma jirto cid ilaa iminka loo soo qabtay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM








DAYNIILE.COM
Advertisement