Waxaa soo baxaya faah-faahino dheeraad ah oo laga helaayo duqeymo dhanka cirka ah oo xalay waqti danbe Alshabaab lagula eegtay Gobolka Shabeelaha dhexe.
Laba jeer ayaa gantaalo dhanka cirka ah lagu qaaday Alshabaabka ku sugan meel u dhaw deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Sh.dhexe, waxaana duqeymuhu dhaceen waqtigii dambe ee xalay sida 12-kii saqda dhexe waxaana lagu bur buriyay gaadiid Alshabaab u adeegsaneyen dagaalka.
Gaadiidka Alshabaab laga gubay waxaa ku jira laba ay hore ciidamada Dowlada uga qabsadeen sidoo kale waxaa aad looga hadal haya abaraha bulshada in la gubay gaari walxaha qarxa ay Alshabaabku ka buuxiyeen kaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay raadinayeen fursad ay ugu qarxiyaan ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka balse ugu dambeyn gantaal ayaa lagu dhalaaliyay.
Dhanka kale khasaaraha nafeed ee Alshabaabka soo gaartay si rasmi ah looma hayo marka la eego waxyaabo la iska qiyaasayo,waxaase lagu wadaa in dhanka saraakiisha Dowlada Somalia ay war ka soo saari doonaan inta ay ka ogyihiin khasaaraha nafeed ee alshabaabka soo gaaray.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM