HomeWararka Ciyaaraha MaantaSteven Gerrard Oo Saadaal Cusub Ka Soo Saaray Kooxda Ku Guuleysaneysa Premier...

Steven Gerrard Oo Saadaal Cusub Ka Soo Saaray Kooxda Ku Guuleysaneysa Premier League Xilli Ciyaareed Kaan

Halyeeyga Liverpool, Steven Gerrard, ayaa mar kale saadaaliyay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Gerrard ayaa taageeray kooxda Mikel Arteta kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Liverpool kulankii horyaalka ee dhammaadkii toddobaadka.

“Ammaan ayay mudan tahay Arsenal, sababtoo ah sidaas ayaa horyaallada loogu guuleystaa; inaad tagto garoomada kooxaha waaweyn sida Liverpool oo aad muujiso awood iyo adkeysi,” ayuu Gerrard u sheegay barnaamijka The Overlap Daily.

Wuxuu intaas ku daray: “Haddii ay ku guuleystaan horyaalka, taas oo aan aaminsanahay inay dhici doonto, waxba kama beddelin fikirkeygii aan qabay bilowgii xilli ciyaareedka.”

Guusha ay ka gaartay Liverpool ayaa Arsenal siisay hoggaanka horyaalka, iyadoo saddex dhibcood ka sarreysa Manchester City oo kaalinta labaad ku jirta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments